Sign in to follow this  
MoonLight1

Sharif provoks the SUUFI Brigades.

Recommended Posts

Xoogaga Ahlu Sunah Waljamaacah oo qarka u saaran in ay noqdaan awooda saddexaad ee Dowladda ka soo horjeeda

 

Ururka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ee gacanta ku haya Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay noqdaan Awooda saddexaad ee ka soo horjeeda Dowladda KMG, kadib markii uu soo kala dhex galay Khilaaf ugub ah.

 

Gudoomiyaha Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa si weyn uga soo horjeestay Hadal uu sii daayay Madaxweyne Shariif, kaas oo uu ku sheegay inuu aflagaado ugu geystay Culumaa'udiinkooda.

 

Sheekh Cumar Maxamed Faarax ayaa sheegay in hadii muddo 48-saacadood aanay raali gelin laga bixin hadalka Madaxweynaha ay qaadan doonaan go'aan cad iyo jawaab deg deg ah.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Shariif uu ku tilmaamay Culumaa'udiinka Jabhad Qabiil oo magac diimeed oo la mid ah kuwa ka soo horjeeda Dowladda wadata, waxaana hadalkaas uu sheegay mid dacaayad ah.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wareysi Madaxweynaha uu siiyay Idaacada BBC-da intii uu ku sugnaa Magaalada Istanbul uu been ka sheegay heshiis ku saabsan in Culumaa'udiinka Ahlu Sunah ay ku soo biirayaan Dowladda KMG, taasoo uu ku sifeeyay mid aan waxba ka jirin.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Ahlu Sunah ayaa waxaa uu kaloo cadeeyay in ashtako ka dhan ah Madaxweynaha ee ku aadan hadalka uu sii daayay ay u gudbinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xafiiska Golaha Wasiirada.

 

Muranka iyo khilaafka ugub ee soo gala dhex galay Ahlu Sunah iyo Dowladda KMG ayaa laga yaabaa in ay meesha ka saarto dagaalada ay halka dhinac kaga soo horjeedaan Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Suufi cleric’s are appeaseable, no worries here.

 

Qolooyinka dhibka ku haya shacabka soomaliyeed iyo dowladdoodaba waa kuwa wajiyada duuban, oo ilaa iyo hadda cadeyn hamigooda iyo waxee doonayaan!

 

Sh Shariifna wuu diiday dhiig dambe oo micno darro u daato, taasina waxaa daliil u ah, inuu habeen hore qaab qarsoodi ah ku yimid muqdisho kadib markuu arkay in kooxaaha arxan daradda ku caan baxay ee shacabka dhibaateeyaan mar alaale markii uu dalka ka baxayo ama ku soo laabanayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this