Sign in to follow this  
Deeq A.

Cod iyo Ciidan: Muqdisho oo farriintii u dambeysay u dirtay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxay maanta la hadleysa Al-Shabaab, farriintu waa intaan ka badan idinma xamili karno ee xamaal ama xal mid qaata.

Caasimadda Soomaaliya kumanaan ruux ayaa ka qeyb-galeysa isu-soo bax xoojinaya kacdoonka Al-Shabaab diidka ah ee ka socda guud ahaan dalka.

Kooxda Al-Shababa oo dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay dishay kumanaan ruux oo Soomaali ah ayaa hadda shacabkii kusoo jeesteen.

Lixdii billood ee lasoo dhaafay shacabka waxay ciidan ahaa u muujiyeen in Al-Shabaab la jabin karo, haddana dadka caasimadda degan ayaa cod ahaan kula hadlaya Al-Shabaab, taas oo ka dhigan in aanay Muqdisho gabaad usii ahaan karin kooxda.

Al-Shabaab haddii ciidan ahaan loola diriro, cod ahaan loola diriro, dhaqaale ahaan loola diriro, bulshada laga takaaro, fikir ahaana loola diriro, muddada ay sii jiri karaan waa mid aad u gaaban.

Muqdisho maanta waxay haysataa fursad naadir ah, waana inay xilalka sare ee dowladda hayaan siyaasiyiin ay ka go’an tahay in Al-Shabaab lasoo afjaro.

Sida ay dadkeedu fursadaan u maareeyaan, dowladda ula shaqeeyaan, kooxdana ugu diidan gabaad iyo guryo ay ku hoydaan ayaa magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan siin doonto xasilooni, soo kabasho iyo horumar deg-deg ah.

Baahida ugu weyn ee Muqdisho ka jirta waa nabad, waxaana taas hortaagan Al-Shabaab. Saacada Muqdisho waxay soo gaartay waqtigii baraaruga kadib dhowr iyo toban sano ah oo cabsi iyo ciil lagu hayay dadkeeda.

Muqdishaawiga kaalintiisu waa naftaada xoree, magaalada xasili, xaqaagana nabad ku qaado.

The post Cod iyo Ciidan: Muqdisho oo farriintii u dambeysay u dirtay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this