Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney loogu yeedhay la-kulankii ugu danbeeyay ee Ninkeeda intaan la toogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney loogu yeedhay la-kulankii ugu danbeeyay ee Ninkeeda intaan la toogan

dil.jpg

Qoyska nin u dhashay Britain iyo Iran oo labo dhalasho ka haysta labada dal isla markaana lagu xukumay dil ayaa sheegay in Iran ay u diyaarinayso in la toogto.

Xaaska Alireza Akbari ayaa BBC Persian u sheegtay in sarkaal uu ka codsaday in ay timaado xabsiga uu ku xiran yahay ee Tehran si ay kulankii ugu dambeeyay u yeeshaan.

Mr Akbari ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsi keligiis ah, taasoo loo arko calaamad muujinaysa in dil uu kusoo fool leeyahay.

Mr Akbari waa ku xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, waxaa la xiray 2019-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu u basaasayay UK, taasoo uu beeniyay.

Farriin maqal ah oo ay heshay BBC Persian, ayuu ku sheegay in la jirdilay laguna qasbay in uu kamarada ka qirto dambiyo uusan gelin.

Saacado ka dib markii farriinta codka ah laga sii daayay BBC Persian, wakaalada wararka ee Mizan ee garsoorka Iran ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Mr Akbari lagu helay danbi basaasnimo, maxkamada sarena ay diiday racfaankiisa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda UK ayaa BBC-da ki yiri “Waxaan taageereynaa qoyska Mr Akbari, waxaana marar badan kiiskiisa u gudbinay maamulka Iran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this