General Duke Posted August 18, 2010 Gen. Ilkajiir oo Amar Ka Soo Saarey Safarada Guddoomiyaasha Gobolada Puntland August 18, 20109 comments| leave your own! Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa soosaarey wareegto soo baxdey maanta oo taariikhdu tahay 18 Augost 2010, taas oo ujeedadeedu ahayd xadidaad lagu samaynaayo dhaqdhaqaqa guddoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland. Amarka wasiirka ayaa u dhignaa: ” Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan guddoomiyaasha gobolada & degmooyinka dawladda Puntland in aaney ka bixi karin xuduudaha gobolada iyo degmooyinka ay ka arimiyaan, isla markaana aysan geli karin wax safar ah oo ka baxsan xuduudkooda iyaga oo aan ka haysan waraaq oggolaansho ah xarunta dhexe ee Warsaaradda Arimaha Gudaha, D/hoose iyo Hormarinta reer miyiga”. wareegtada waxaa saxiixay Wasiirka Arimaha gudaha, Dawladaha hoose Gen.Ilkajiir, (qoraalka wasiirku halkaas ayuu ku egyahay). Gobolada Puntland ayaa ka kooban 8 gobol, kuwaas oo qaybo kamid ah hadda ay ka taliso Somaliland, waxaa markii labaad dib loo magacaabey gobolka Haylaan iyada oo xarun looga dhigey magaalada Dhahar inkasta oo gobolka Haylaan aan weli loo calaamadin wax xuduud ah, maadaama laga soo jaray gobolka Sanaag, mana jiro Guddoomiye loo soo magacaabey, Maxamuud Siciid Dabayl oo ah guddoomiyaha gobolka Sanaag aya dhwaan saxaafadda u sheegay in isagu uu weli yahay guddoomiyaha gobolkaas inta loo soo magacaabayo guddoomiye isla markaana la calaamadinaayo xuduudiisa. Dhanka kale wasiirka ayaa soo saarey wareegto kale taas oo lagu tilmaamayo habka lagu soo xulanaayo xildhibaanada golaha degaanada ee Puntland, hoos ka akhri wareegtooyinka: Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 18, 2010 Garoowe:D/Puntland oo soo saaray Amar yaraynaya Safarada Gudoomiyeyaasha Gobolada & Degmooyinka Puntland. 18. august 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hormarinta reermiyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa soo saaray Warqad digteero ah oo lagu amrayo Maamulada kaladuwan ee gobolada & Degmooyinka Puntland inay xadidaan oo yareeyaan dhaqdhaqaayada ay Xuduudyada goboladooda uga gudbayaan. Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha ee Garoowe islamarkaasna ku Lambaraysnayd 05-kuna Taariikhaysnayd 18-ka Bishan Sideedaadl,ayaa si toos ah uu Wasiirku u amray in laxadiday Safarada & Dhaqdhaaqa Maamulada kala gedisan ee Puntland,waxaana ay Warqadu cadaynaysaa in xataa Safarada shaqo lasoo ogeysiiyo Wasaarada Arimaha Gudaha ee Puntland. “Wasaaradu Waxay ku wargelinaysaa dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka & gobolada kalagadisan ee Puntland inay xadidaan islamarkaasna ay yareeyaan Safarada ay uga tagayaan goobaha ay maamulaan islamarkaasna ay Wasaarada ka amarqaataan marka ay Safarada ku baxayaan”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo amarkani xafiiskiisa kasoo baxay. Soo saarista Amarkan ee ay Wasaaradu soo saartay ayaanan weli la cadayn sababta rasmiga ah & Ujeedada ay Wasaarada Arimaha Guduhu ka leedahay,balse waxay u egtahay in dawladu ay oga gol leedahay Adkaynta dhanka Maamulada Gobolada & Degmooyinka ee Puntland kuwaas oo intabadan Safaro kala gedisan ku baxa islamarkaasna aysan qaarkood Wasaaradu u warhaynin. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites