Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku xukuntay sarkaal lagu helay fududaynta Qaraxyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay inuu gawaaridaas ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho sida; Village Hotel, Restaurant Afar, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne, Ex Bilsan Restaurant, iyo goobo kale.

Waxa ay intaas ku dartay in illaa 27 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxyada lagu helay Dhamme Shariif inuu soo geliyey caasimadda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa sheegtay inay ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay gawaaridii qaraxyada ahaa, sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku xukuntay sarkaal lagu helay fududaynta Qaraxyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this