Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta cunaqabateynta hubka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, ayada oo Goluhuna ay meel-mariyeed hindise sharciyeedyo muhiim ah, waxayna sidoo kale guddi gaar ah u xil-saareen cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay joogeen inta badan Golaha.

Ugu horreyn xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaadkan ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale xubnaha Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, si ay usoo aqriyaan, kadibna ay wax ku daraan, si loo ansixiyo.

Inta uu shirka socday sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa guddi gaar ah u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka oo markale dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe  ay ku kordhiyeen Soomaaliya oo haatan la dagaalameysa Al-Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howolgalladii ugu dambeeyay ka dhacay dalka, gaar ahaan meelaha ay marayaan dadaallada xoreynta dalka ee haatan ka socdo gobollada.

Ugu dambeyn Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa  ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, kaas oo lagu jebiyay Al-Shabaab.

Shirka wuxuu todobaadkan kusoo aadayo, ayada oo haatan uu ra’iisul wasaare Xamza booqasho ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar, safarkaas oo ay ku welinayaan wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Waxbarashada iyo sidoo kale Warfaafinta.

325476266_1535590793576693_7704144414057 325351237_873965443882561_32898372686016 325364137_688422242939432_13187182952964 325380581_469283538744372_14232797711604 325417054_699580761573302_82888294821523 325417991_915425132972930_53503343749740

The post Sawirro: Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta cunaqabateynta hubka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this