Cowke Posted July 12, 2010 Taliska Booliska G/Bari: Dadka Qaraxyada Ka Wada Boosaaso Waa Isir La Dirir (Dhageyso) Boosaaso (RBC) Taliye ku xigeenka booliska qeybta gobolka Bari G/lle Dhexe Cawil Axmed Salaad ayaa ka hadlay amaanka magaalada Boosaaso iyo qaraxii u dambeeyey ee habeen hore gudaha magaalada lagula beegsaday ciidamo ka tirsan booliska. G/lle Dhexe Cawil Axmed Salaad oo maanta taliska booliska Boosaaso saxaafada kula hadlay ayaa ku eedeeyey in qaraxyada laga geysto Boosaaso ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda jiritaanka Puntland, kuwaasi oo sida uu sheegay aan kala saari doonin shacab, ciidan iyo masuul midna. “Habeen hore waxaa qarax lala beegsaday ciidan boolis ah oo magaalada amnigeeda ilaalinayey, waxaa ku dhaawacmay gabar dhaawac halis ahi soo gaaray oo hadda isbitaalka jiifta. Dhinaca ciidanka waxaa dhintay saddex nin, hal nina waa dhaawac”, ayuu yiri taliye ku xigeenka oo ka hadlay qarax habeen hore ka dhacay Bariga Boosaaso. “Dadka wax qarxinaya ma aha dad gaar u raadsanaya ciidanka, waa dad isir la dirir ah oo diidan jiritaanka Puntland”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalkani. Taliye ku xigeenku oo aan weydiinay haddii ay jiraan dad la soo qabtay, wuxuu sheegay in booliska dad u soo qabtay qaraxaasi ayna baarayaan, haddii wax lagu waayana la sii deyn doono. Wuxuuse ka gaabsaday in kiiska baaritaanka ah uu ka hadlo. Taliye ku xigeenka booliska gobolka Bari oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in hawlgalada ciidanka ay joogto yihiin isla markaana amaanka aan wax badan laga qaban ayaa ku dhaliilay dadweynaha inaysan wada shaqeyn fiican la sameyn ciidanka. Wuxuuna si gaar ah dadka ugu booriyey inay hurdada ka toosaan oo ay booliska ku soo wargeliyaan dadka amaanka dhibaatada ku haya. Shirkan jaraa’id ayaa ah kii ugu horeeyey ee saraakiisha booliska gobolka Bari kaga hadlaan amaanka magaalada tan iyo intii uu dhacay qaraxii lala beegsaday ciidamo ka tirsan booliska labo habeen ka hor kaasoo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka kuna dhaawacmeen tiro kale oo ay ku jiraan rayid. RBC Radio http://www.raxanreeb.com/?p=58048 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 13, 2010 JUURILE:-Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Italia'' Jaaliyadu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Reer Boosaso inay Dowlada gacan ku siiyaan sugitaanka Amaanka'' Qaraxyo iyo falal kale oo amaanka wax u dhimaya ayaa maalmihii danbe ka dhacayay Magaalada Boosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland hadaba falalkaasi amaan xumada ah waxay saameyn weyn ku yeesheen jaaliyadaha reer puntland ee ku dhaqan dalalka Yurub. Jaaliyada Puntland ee Italia ayaa ka mid ah kuwa wel welka iyo fekerka badan ay ku abuurtay amaan xumada Boosaso ka jirta xiliyada qaar kadibna jaaliyada ayaa Magaalada Millano ku yeeshay shir looga hadlayo arimahaasi waxana shir gudoominayay Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Italia Cawaale Jaamac Salaad. Shirarkaas kadib waxa saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cawaale Jaamac Salaad waxana uu sheegay in qof kasta oo ka soo jeeda Puntland meel kasta oo uu joogaba ay saameyn ku yeelanyeso wixii dhibaato ah oo ka dhaca dalkii. Gudoomiyaha oo arrimaha amaanka Boosaso ka hadlaya ayaa sheega in Dowlada keli ah aysan waxbo qaban karin ilaa intaay taagero ka helayso shacabka Magaalda degan kuwa degaanka ah iyo kuwa soo barko kacay intaba. Cawaale Jaamac Salaad Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Italia ayaa yiri'' Dadka ku dhaqan Boosaso iyaga ayaay dan ugu jirtaa inay dowlada kala shaqeeyaan amaanka waaayo wax walba waa og yihiin sida marka qaraxa la dhigayo shacabka qaar arkaya ayaa jira waayo meelaha qaraxyadu ka dhacaan waxa degan shacabka hadii aysan raali ka ahayna cidna ma dhigteen , marka shacabku waa inay gacan siiyaan ciidanka dowlada oo xiriir ay la sameeyaan mar walba oo ay arkaan wax amanka wax u dhimaya. Dhinaca kale Gudoomiyaha waxa ugu baaqay Dowlada inay muujiso dadaal dheeri ah islamarkasna ay la tashi badan la sameeyso shacabka gaar ahaan odayaasha iyo waxgaradka. Sikasataba , Kulanka Jaaliyada ayaa loogu duceeyay dadkii ku dhintay qaraxyada sida Ciidankii Booliska ee ku geeriyooday muwaadinimada iyaga oo gudana shaqadooda iyo shacabka kuwa ku dhaawacmay waxa ilaah looga baryay inuu caafimaad siiyo. Axmed Maxamed Stellobianca@hotmail.com Roma Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 13, 2010 Qorshaha amaan ee Bosaso 12 Jul 12, 2010 - 2:46:59 PM Cabdixaafid Guddoomiyaha gobolka Barri Maamulka gobolka Bari ayaa sheegaya inuu bilaabayo qorshe wax looga qabanayo dhibaatooyinka nabadgelyo xumo ee waayadan soo foodsaaray magaalada Bosaso halkaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo ciidamo boolis ah kuwaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Weriyaha BBCda Axmed M.Cali ayaa arrintaas ka waraystay guddoomiyaha gobolka Bari Sh. C/xaafid Cali Yuusuf wuxuuna waydiyay waxa uu yahay qorshaha ay doonayaan inay wax kaga qabtaan nabadgelyada Bosaso. Dhageyso Guddoomiyaha gobolka Barri. http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Qorshaha_amaan_ee_Bosaso.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites