Deeq A. Posted January 12, 2023 Allah ha u naxariistee waxa maalintii Jimcaha 06/01/2023 magaalada Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday duuliye sare Jaamac Cabdillaahi Coofle. Duuliye Coofle waxa uu ka mid ahaa duuliyeyaashii diyaaradihii rayidka ee Soomaaliya. Dufcaddii u horreysay ee loo soo tababaro shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines ayuu ka tirsanaaa. Sida aan mar hore isaga laftiisa ka guntay, markii uu ka baxay dugsigii sare ee Sheekh, isaga oo Boorama fasax ku jooga ayaa loo soo sheegay inuu Xamar si degdeg ah u soo galo. Iskusocodku ma wacnayn oo Xamar si fudud laguma gaadhi karayn. Habeeno in la sii dhaxaa qasab bay ahayd. Tacab iyo hawl badan ka dib, sidii ayuu ku tagay Muqdisho oo imtixaankii ku galay. Nasiib wanaag, tiradii guulaysatay ayuu ku soo baxay, waxaana loo qaaday dalkii Jarmalka Galbeed, halkaas oo uu tababar duuliyenimo ku soo qaatay kulliyadda Lufthansa Flight Academy. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites