Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in sannadkan la dhamaystirayo dastuurka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa markii u horraysay shaaciyay in sannadkan la dhammaystirayo dastuurka KMG ah ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse, oo xalay khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Masar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sannadkan ka go’an tahay dhammaystirka dastuurka.

“Ama lug ha la isku dhego, ama qadaad ha la isku dhego sannadkan waa in uu dhammaystirmaa dastuurka. Dalkan haddii aan dastuurkiisa la dhammaystirin, dowladda Soomaaliyeed si ay ku shaqaysaa waa adag tahay” ayuu yiri Xamse.

Hadalkan Xamse ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii ay Puntland ku eedaysay dowladda Federaalka in ay hagar-daamo ku waddo dhammaystirka dastuurka dalka.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in sannadkan la dhamaystirayo dastuurka dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this