Sign in to follow this  
Deeq A.

Beel shaacisay in ay nabad ka qaateen shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673418260053.jpg?resize=720%2C48

Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Reer Mahad oo shir ku yeeshay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay nabad ka qaateen shaqaaqooyin ka dhacay halkaas.

Qoraal ay soo saareen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Reer Mahad ayay ku shaaciyeen go’aankaas.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale ku baaqay in xal waara laga gaaro dhammaan shaqaaqooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beeshu diyaar u tahay wax kasta oo lagu hirgelinayo nabadda iyo xallinta dhibaatooyinkii dhacay.

FB_IMG_1673417535861.jpg?resize=678%2C96

PUNTLAND POST

The post Beel shaacisay in ay nabad ka qaateen shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this