Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Tigreega oo bilaabay in ay Hubka culus ku wareejiyaan dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada dowladda.

Hub ka dhigista ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Tigreega oo bilaabay in ay Hubka culus ku wareejiyaan dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this