Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday maxkamadaynta Soomaali iyo ajaanib ku eedaysan Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673411701054.jpg?resize=720%2C48

Puntland ayaa talaadadii bilowday maxkamadeynta rag ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin argagixisada Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Boosaaso ayaa la hor-keenay eedaysanayaasha oo isu-gu jira Soomaali iyo ajaanib.

Eedaysanayaasha qaarkood ayaa fadhiga maxkamadda ka hor qirtay in ay la shaqeeyeen Al-shabaab islamarkaana cabsi gelin u geysay.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale eedda kala noqotay qaar kale oo wax caddayn ah lagu waayay.

Intaas kadib dhegeysiga dacwadda ayaa xirmay waxaana lagu ballamay fadhiga xiga oo la sugayo go’aanka maxkamadda.

FB_IMG_1673411701054.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673411718642.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673411705206.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673411712418.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673411730841.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673411734725.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday maxkamadaynta Soomaali iyo ajaanib ku eedaysan Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this