Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Oo Saxeexday Heshiis Ay Ku Sameysaneyso Dayax-gacmeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis hor-dhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doollar, wuxuu qaadan doonaa muddo shan sanno ah.

Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this