Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Oo Booqanaya 5 Waddan Oo Africa Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii shalay aheyd shaacisay, in wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Shiinaha Qin Gang uu muddo xileedkiisa cusub ku bilaabi doono, booqasho dheer oo uu ku tagi doono ilaa shan waddan oo Africa ku yaalla.

Qin, oo hore u ahaa safiirka Shiinaha ee Mareykanka ayaa booqan doona Ethiopia, Gabon, Angola, Benin iyo Masar inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 16-ka January Sidaasi waxaa warfaafinta u sheegay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin.

Dalka Masar wuxuu Qin Gang kula kulmi doonaaa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo iyo madaxda xukuumadda Qahira.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa raacay dariiqii ay mareen madaxdii isaga ka horreysay oo 30-ki sanno ee lasoo dhaafay uu mid walba muudo xileedkiisa cusub ku billaabay booqasho uu ku tago Africa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang ayaa sheegay in dhaqankaasi siyaasadeed uu muujinayo sida uu Shiinu muhiimad weyn u siinayo saaxibtinimada soo jireenka ah kala dhaxeysa Africa iyo horumarinta xidhiidhka Africa iyo Shiinaha.

Qin, oo 56 jir ah, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda 30-ki bishii December. Waxa uu bedelay Wang Yi, oo 69 jir ah, kaas isna loo magacaabay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Xisbiga Shuuciga ah.

Shiinaha ayaa Africa kula loolamaya Mareykanka. Dhawaan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hogaamiyaasha Africa ku casuumay Washington, halkaas oo uu kaga dhawaaqay hindisayaal iyo iskaashi labada dhinac ay yeelan doonaan.

Shiinaha ayaa sannadihi dhawaa dalalka Africa u noqday noqday saaxib ganacsi oo weyn, isaga oo maalgeliyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda dhanka macdanta oo uu ka fuliyay dalal badan oo ku yaalla Qaaradda Africa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this