Sign in to follow this  
Deeq A.

Balcad: Askari dil u gaystay Wade Moota Bajaaj

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil u gaystay mid kamid ah wadayaasha moota Bajaajta.

Askariga ayaa rasaas ku furay kadib markii uu bixin waayay wadaha moota Bajaajta lacag shan kun oo shilin Soomaali ah oo uu doonayay in uu ka qaato.

Wiilka moota ayaana ku geeriyooday goobta kadib markii uu askariga xabad kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, waxaana durba uu askariga isaga baxsaday goobta uu falka ka dhacay.

Laammaha ammaanka degmada Balcad ayaa markii dambe ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga dilka gaystay.

Waxaana hadda uu ku jira gacanta laammaha ammaanka degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana loo gudbin doonaa laammaha garsoorka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this