Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo maxkamad soo taagtay xubna loo haysto kamdi ahaanshiyaha Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa maanta dib u furtay maxkamadeynta xubna loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka alshabaab, waxaana maxkamadda ka soo hor muuqday 15 xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Ajaanibta maxkamadda ka soo hormuuqatay ayaa waxaa horay ay ciidamada Puntland uga soo qabteen xilli ay saarnaayeen doon hub u sidday ururka alshabaab oo mareysay degmada bandar bayla .

Xubnahaan ayaa xeer ilaalintu ku eedeysay in qaybtood kamid noqdeen kuwa weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaannada Af-urur iyo Bali khadar, halka kuwa kale loo haysto in ay shabaab u qaabilsanaayeen arrimo ay kamid yihiin tashkiilinta.

FB_IMG_1673356841476.jpg

FB_IMG_1673356837978.jpg

FB_IMG_1673356832149.jpg

FB_IMG_1673356829886.jpg

FB_IMG_1673356824781.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this