Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.

FB_IMG_1673364570058.jpg?resize=696%2C46
FB_IMG_1673364567600.jpg?resize=696%2C46
FB_IMG_1673364564235.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this