Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay xiisadda dagaal ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673355977873.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Taani oo khudbad u jeediyay Ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidda Gobolka Sool ayaa ku wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan guluf dagaal.

Taliye Nuux Taani ayaa u sheegay in ay ku ruqaansan doonaan dhinaca Garoowe islamarkaana difaac ka xiran doonaan degaanka lagu magacaabo Hadh wanaag ( Garac lagu dhal).

Nuux Taani ayaa sheegay in xiisadda Laascaanood loo rogay mid qabiil balse ay iyagu u rogi doonaan mid u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

” Puntland hadal waa dayn wayday waxay arrinta Laascaanood ka dhigeen mid qabiil si ay u kiciyaan dadka oo aan loo wada ceeshin sidaad darteed waxaan go’aansanay in aan hore u ruqaansano” ayuu yiri Nuux Taani.

Warkan waxaa noo xaqiijiyay ilo wareedyo kala duwan oo dhinaca Amniga ah oo ay ku jiraan Taliyaal iyo saraakiil Ciidan.

Hadalka Nuux Taani ayaa ku soo beegmay xilli ay Laascaanood ka taagan tahay dhibaatadii Ciidamada Somaliland ku laayeen shacabka.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay xiisadda dagaal ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this