Deeq A. Posted January 10, 2023 Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aankii Puntland ku sheegtay in ay u dhaqmayso sida dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Radio Daljir ayuu ku sheegay in aysan Puntland ka go’in Soomaaliya islamarkaana ay hormuud u tahay midnimada iyo wadajirka dalka. Wasiir Juxaa ayaa tilmaamay in Dastuurka Puntland uu caddaynayo arrinta la xiriirta in Puntland sida dowlad madax-bannaan u dhaqanto inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. “Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” waa qodob Dastuuri ah sida uu xaqiijiyay wasiir Juxaa. Wasiirka ayaa sidoo kale intaas ku daray in go’aanka Puntland uu salka ku hayo gorgortan siyaasadeed balse aanu ahayn mid masiiri ah. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa “Puntland kama go’in Soomaaliya” appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites