Deeq A. Posted January 10, 2023 Maamul gobolleedka Puntland oo War-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka ka dhexeeya Dowaldda Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka Madax banaan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya ilaa laga dhamaystirayo qodobo heshiisyo ah. Warsaxaafadeedka oo ka kooban Saddex Bog ayaa sidoo kale Puntland ku shaacisay in Dastuurka uu siinayo in sida dowlad Madax bannaan oo kale ay u dhaqanto. “Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yidhi Qoraalkaas. Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya inay si toos ah xidhiidhka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan dambe khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyay. Source Share this post Link to post Share on other sites