Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiska Wiil Soomaali Ah Oo Lagu xukumay 142 sanno Oo Gilgilay Baarlamanka Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa sannadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sanno, xukunkaasi oo la xidhiidhay kadib markii dad ay ku dhinteen dooni sidday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sannadkii 2020-kii.

Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay kaga soo gudbeysay Turkey.

Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa.

Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraacyada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sannadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku matala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaanno kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan.

Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sanno oo xabsi ah ayaa si damaanad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waayay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib markii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay siddeed sano.

“Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba galabsan u saarto xukunno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yidhi bayaan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta ayna dacwaddu bilaaban.

15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece.

Dowladda midigta-dhexe ee tallada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid “adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doodaysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xudduudaha ee dalka u dhigan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this