Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Masar oo Qaahira ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673327335142.jpg?resize=720%2C50

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Masar mudane Saamix Shukri.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo horumarin lahaa Xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mahadceliyay taageerada ay Masar siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Kulanka labada Wasiir waxaa ku weheliyay Safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo La taliyaha labaad ee safaaradda Masar mudane Cabdiraxmaan Ciise.

PUNTLAND POST

The post Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Masar oo Qaahira ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this