Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay in uu dalkiisa ka saarayo Qaxootiga u dhashay Congo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yiri “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.”

Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.

Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay in uu dalkiisa ka saarayo Qaxootiga u dhashay Congo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this