Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xogaha laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu ku sii jeedo magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararku sheegayaan Baydhabo kaga qayb-galay Shirka Dib u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo halkaas ka furmaya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu u horreeyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this