Sign in to follow this  
Cowke

MAXA LOO DHISAY PUNTLAND? MAXAYSE GAARTAY 12 SANO KA DIB?

Recommended Posts

Cowke   

baldho.jpg

 

MAXA LOO DHISAY PUNTLAND? MAXAYSE GAARTAY 12 SANO KA DIB?

 

Posted by admin on July 24th, 2010

 

Dowladda Puntland ee Soomaliyeed, waxaa la aas aasay 1dii August 1998dii ka dib markii sidaas ay go’aansadeen hogaamiyayaashii siyaasadda iyo kuwii dhaqanku, taas oo daba joogtay markii lagu guul daraystay shirar badan oo Soomaliya dibadda loogu qabtay, dalkuna uu dowlad la’aan ahaa muddo sideed sanadood ah.

 

Isimada iyo Cuqaasha reer Puntland waxay astaan mid nimo iyo sal ay ku fariisato u noqdeen dhismihii iyo jiritaankii Puntland, waxayna u galgasheen oo geed walba u fariisteen sidii Puntland u noqon lahayd dowlad hanaqaada shirkii lagu aas aasayna uusan noqon mid dhicisooba.

 

Waxay dhammaan ergooyinkii ka soo qeybgaly shirkaas si aqlabiyad leh oo xor ah u doorteen madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Puntland kaas oo noqday Md.Cabdullahi Yuusuf Axmed, sidoo kalena waxay Madaxweyne Kuxigeena udoorteen Md.Maxamed Cabdi Xaashi

 

Waxaa Puntland loo dhisay in ay ka nabad gasho burburkii iyo baabi’ii ka socday koonfurta Somalia, isla markaasna ay dadkeeda iyo Somalida kale ee ku soo barakacdayba ku naaloodaan nabad iyo horumar buuxa. Ujeedooyinka Puntland loo dhisay marna kama mid ahayn in ay ka go’do Somalia inteeda kale, waxaana axdigii Puntland lagu dhisay sal iyo unugba looga dhigay in ay dolwad Somaliyeed oo federal ah ama nidaamka hooska so dhiska ah (bottom-up building system) raadiso ayna sidaas uga midnoqoto Somalia inteeda kale.

 

Waxaan rabaa in aan qoraalkaan ku soo koobo saddex marxaladood oo ay Puntland soo martay aniga oo koobaya. Marxaladii I aad oo ah Lixdii sano ee Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi, marxaladda II aad oo ah, afartii sano ee Cadde Muuse iyo Hassan Daahir iyo marxaladda hadda ee Cabdiraxman Faroole iyo Gen. Cabdi Cali Shire

 

Marxaladii I aad:

xukuumadii ay madaxda ka noqdeen Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi waxay ahayd xukuumad aad u yar oo ka kooban sideed wasiir oo aan wasiir ku xigeeno lahayn iyo dhowr agaasime oo loo magacaabay hay’adihii madaxa banaanaa.

 

Waxaa xukuumaddaas horyaalay hawlo aad u culus, mana jirin wax xarumo ama xafiisyo dowladeed ah oo ay ka dhaxashay dowladii burburtay, iyadoo dalku sideed sano burbursanaa wax kasta oo qaran lahaana la bililiqaystay, sidoo kalena waxaa burbursanaa dhammaan hay’adihii dowliga ahaa, sida ciidamadii dalka haday ahaan lahaayeen Military, Police, asluub ama Daraawiish.

 

Waxaan iyaduna haba yaraatee jirin hanaankii dakhli ee dowladi ku shaqayn lahayd mana jirin wax cashuur ah oo dalka laga qaadi jiray marka laga reebo khidmad aad u yar oo ciidankii maleeyaashdku dekeda ka qaadi jireen.

 

Mudadii saddexda sano ahayd ee ugu horaysay Puntland waxay gaartay tallaabooyin horumar leh, iyadoo la hirgaliyey dhamaan hay’adii dowladda, ciidamadii oo dib loo dhisay lana qalabeeyey iyo iyadoo la soo celiyey habkii dakhli aruurinta. waxaa intaas oo dhan ka muhiimsanaa oo dowladu ku guulaysatay amaanka oo gacan bir ah lagu qabatay, taas oo sahashay in ganacansigi iyo is dhex galkii kobco sidoo kalen ay dekadda Bosaso marti galiso Kililka shanadg ilaa Konfurta Somalia ilaa dhanka waqooyi oo ganacsatada degaankaas door bideen cashuurta ka heer hoosaysay tan Berbera iyo amaanka oo ahaa mid qof kasta isku halayn karo.

 

Waxaa kale oo xukuumaddu xilligaas ku guulaysatay in ay caalamka iyo Somalidaba ka dhaadhiciso habka federaliga ah(Federal System Government) oo dadka reer Puntland u arkayeen in dalka lagu xasilin karo gobol walbana lagu gaarsiin karo horumar iskiis ah iyadoo ugu danbayntiina Madaxweynihii Puntland ku guulaystay in uu noqdo Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ee lagu soo dhisay Kenya.

 

Marxaladii IIaad:

 

10. Oct. 2004 waxaa Madaxweynaha TFGda loo doortay Madaxweynihii Puntland Md Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaana madaxweynaha Puntland loo dhaarshey sida dastuurku qabay Madaxweyne ku xigeenkiisii Md Maxamed Cabdi Xaashi, sidoo kalena waxaa Madaxweyne ku xigeen loo doortay Md. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) maadaama uu kursigii Madaxweyne kuxigeenku bannaanaada. In kasta oo muddadaas aad u koobnayd hadana waxaa lagu guulaystay in ay Puntland ka dhacdo doorasho xora oo xalaal ah. 8dii Janaayo 2005 waxaa Madaxweyne loo doortay Md Maxamud Muuse Xirse (Cade Muuse) Madaxweyne kuxigeenna Md. Xasan Daahir Maxamud (Afqurac)

 

Dowladii Cadde Muuse, waxay garab iyo gaashaanba u noqotay dowladii Federalke, waxayna ku caawisay Ciidamo, Dhaqaale iyo Maskaxba, waxayna si walba ugu dedaashay in ay TFG du noqoto Dowlad Somalia ka hirgasha.

 

Waxyaabaha lagu xasuusto dowladii Cade Muuse waxaa ka mid ah, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso, Maxjarka Bosaso iyo Keenistii Shirkadaha Shidaalka inkasta oo ay muran ku saabsan khayradka Somalia iyo sida loo qaybsanayo dhalisay.

 

Dhanka kale waxaa jiray waxyaabo badan oo caqabado ku noqday dowladaas oo ay ka mid ahaayeen Burcad badeedii ka dilaacday Koonfurta Somalia oo ku soo fidday Puntland, Tahriibta iyo Khalal dhanka dhaqaalaha ah ka dib markii la soo daabacday lacago Farabadan oo falso ah. Xukuumaddii Cade Muuse waxay ku guulaysatay sidii xukuumadii ka horaysayba in ay qabato doorasho xora oo xalaal ah wax mugdiyana uusan ku jirin.

 

Marxaladda IIIaad:

 

Marxaladda saddexaad waa tan hada ee loogu doortay Madaxweyne Md Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweyne ku Xigeenkana loogu doortay Md Gen. Cabdisamad Cali Shire, waxaana la doortay 9 Janaayo 2009, waxaa horyaalay dowladaas in ay xalliso arrimo badan oo ay ka dhaxashay dowladii ka horeeysay sida in xal loo helo arrimaha dhaqaalaha oo salka loo dhigo, la dagaalanka Burcad badeeda iyo Tahriibta, waxaa kale oo iyaduna arrin adag oo in la wajoho ay tahay ahayd, Dowladii Federalka oo burbur weyn oo Siyaasadeed soo foodsaaray, ka gadaal markii uu is casilay Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed.

 

Waxaa qeyb ahaan dowladdu wax ka qabatay arrinka dhaqaalaha inkasta oo la saddex jibaaray cashuurtii, taas oo shacabkana culays dhaqaale ku noqotay iyadoo awalba dhaqaalahoodu liitay dhankalena dowladda u suurta galisay in uu soo xaroodo dakhli aad u fara badan marka loo eego dowladihii ka horeeyey. waxaa hubaal ah in (inkasta oo marxalad adag soo foodsartay) dowladda maanta jirta aysan ku guulaysan in ay wax weyn ka qabato arrimaha amaanka oo khal khalweyn galay.

 

Gebogebo:

 

Laguma soo koobi karo qormadaan gaaban dhammaan dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka dhacay Puntland, sidoo kalena qorshahaygu ma ahayn in aan halkaan kaga hadlo dhaliisha maamulkan ama maamuladii ka horeeyey lahaayeen hase ahaatee waxaan qormadaan uga dan lahaa in aan wax yar ka iftiimiyo Puntland Ujeedada loo dhisay iyo waxa u qabsoomay 12 sano ka dib waqtigii la aas aasay oo ku began 1st August 2010. Isku soo duubo dowladda Puntland 12kii sano ee ay jirtay waxaa u qabsoomay wax badan oo la taaban karo, waxayna ka badbaaday xaaladda qalafsan ee ka jirta Somalia ee siyaaso-amaan, waxaa kale oo Puntland ay heshay kalsoonida caalamka oo u arkay meel amaan ah oo ka nabad gashay dhibaata iyo dagaalada ka jira koonfurta Somalia. Waxay dadka reer Puntland ku guulaysteen in ay horumariyaan ganacsiga iyo arrimaha bulshda. Dhanka kale waxaa lagama maarmaan ah in la xuso in aysan Puntland wada gaarin dhammaan himilooyinkii loo dhisay oo, ay wax badan dhiman yihiin sida, kobcinta ilaha dhaqaalaha, amaanka, iyo xiriirka caalamiga oo aad loo adkeeyo. waxa kale oo Puntland ku guul daraysatay in 12 sano ka dib wali aysan ka hir galin habka dimoqraadiyadda iyo nidaamka axsaabta badan (multi party system)

 

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay rajaynayaan in ay arkaan Puntland oo amaan ah, gaadhay horumar dhaqaale oo la taaban karo, ayna ka hirgashay dimoqradiyad hanaqaaday kana mid ah dowlad Soomaaliyeed oo federali ah.

 

Wabilaahi Towfiiq.

 

Mohamed Abdi Baldho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this