Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Somaliland ku oogaysa dacwad ku saabsan danbi dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shaaciyay in ay diyaarinayaan dacwad ku saabsan danbi dagaal oo lagu oogayo Somaliland.

Madaxweyne Deni ayaa danbi dagaal ku tilmaamay shacabkii aan hubaysnayn ee ciidamada Somaliland ku laayeen Laascaanood.

” Waxaan hadda wadnaa in aan dacwad ku oogno kuwa danbiyadaas galay ee dadkeenna aan hubaysnayn sida ula kaca ah u laayay” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale taageeray go’aankii shalay ka soo baxay beelaha SSC ee lagu dalbanayay in Somaliland isaga baxdo Gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Somaliland ku oogaysa dacwad ku saabsan danbi dagaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this