Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay burburinta nidaamka Federaaliga ah ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa Villa Somalia ku eedaysay in ay burburinayso nidaamka Federaaliga ah ee dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Villa Somalia waddo qorshe lagu wiiqayo nidaamka Federaalka islamarkaana ay marooqsanayso awoodda waddanka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday in uu saxiixo ay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay rabto dastuurka dalka in la dhammaystiro iyadoo ay ka maqan tahay Somaliland si Gobollada SSC loogu sharciyeeyo Somaliland.

” Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyo nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulks Somaliland loo sharciyeeyo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay qoraal rasmi ah ka soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay burburinta nidaamka Federaaliga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this