Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xabsiga Kasii Daayay Haweeney Aheyd Basaasad Caan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ana Montes- oo kamid aheyd basaasiintii ugu caansanaa dagaalkii qaboobaa ee uu qabtay Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 20 sanno ay ku xidhneyd halkaas.

Haweeneydan 65 jirka ah ayaa ku dhawaad 20 sanno basaas u aheyd Cuba iyadoo aheyd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga.

Kadib markii la xidhay sannadkii 2001-dii, saraakiisha waxay sheegeen in haweeneyda ay qarka u saarneyd in gebi ahaanba ay kashifto howlgallada sirdoonka Mareykanka ay ka wadeen jasiiraddaas.

Mid kamid ah saraakiisha ayaa Ana Montes ku sheegay mid kamid ah ‘basaasiintii waxyeellada ugu badan geystay’ ee uu qabtay Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this