Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo ‘wada sheekeysi’ la yeeshay qaar kamid ah muwaadiniinta…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta u ambabaxay safar dibadeed, uu ku tegayo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar, ayaa intii uu ku guda jiray safarkiisa sameeyay arrin bogaadin mudan.

Xamza ayaa waxa uu diyaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa.

Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin kala duwan, uguna horeyso kuwa ka heysta dhinaca socdaalka dalalka ay ka yimaadaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg-deg ah u helo cabashooyinkaasi.

Xamza iyo Wafdigiisa ayaa safarkooda Masar uu qaadan doona muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.

324504740_1539695679881982_1525582187704 324761574_1839831063062953_3281737571135 324497396_1377164076423815_3634563121379 324509914_835781250812949_81815417172862 324472587_533002185262728_72948327931708 324501552_567100804941189_33123534380283 324472202_997653694733873_93536807083579 324473154_495301322673602_88934714984070 324442544_3104068463216709_6582420049031 324260026_1216767445713830_1932186562968

The post Sawirro: Xamza oo ‘wada sheekeysi’ la yeeshay qaar kamid ah muwaadiniinta… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this