Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Xabsiga ka sii daayay mid kamid Basaasiintii ugu halista badnaa Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa xabsiga ka sii daysay mid kamid ah basaasiintii ugu halista badna abid ee soo mara dunida.

Ana Montes oo ah 65 sano jir ayaa la xiray sanadkii 2001, markaas oo lagu helay in ay ahayd basaas xogaha u dusin jiray dowaldda Cuba.

Ana ayaa doorwayn ka ciyaartay dagaalkii qaboobaa ee caalamka, waxaana ay ahayd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga Cuba.

Markii la soo qabtay ayaa loo diiwaan geliyay in ay kamid tahay basaasiinta ugu halista wayn caalamka kadib dusinteedii xoga badan.

Haweeneydaan ayaa hadda dib u heshay xoriyadeedii 22 sano kadib, waxaana hadda ay jirta da’da 65-sano jirka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this