Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada Magaalada Laascanood oo degan iyo wada hadalo u furmay Somaliland iyo ururka SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ugu danbeeyay ee ka imanaaya magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaaya in magaaladaasi ay si buuxda caadigeedii ugu soo noqonayso kadib ku dhawaad laba todobaad oo ay halkaasi ka taagnaayeen rabshado iyo mudaharaado ay ku naf waayeen dhowr qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in wada hadalo u furmeen wafti balaadhan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan oo uu horkacaayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyo xubno ka mid ah ururka SSC, inkasta oo aanay wararka wada hadaladaasi soo shaac bixin hadana waxa jira warar sheegaaya in xidhiidh toos ah oo qarka u saaran is afgarad uu dhex maray hogaamiyaha ururka SSC iyo xukuumadda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this