Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo shaaciyay in aysan wax Wada-hadal ah la geli doonin dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa markii u horraysay shaaciyay in aysan wax wada-hadal ah la gelin lana geli doonin dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale beenisay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim kaas oo sheegay in Al-shabaab soo dalbadeen in wada-hadal.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara anaga iyo kooxda dabadhilifka u ah gaalada caalamiga” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab sida ay qortay warbaahinta taageerta Kooxdaas.

Hadalkaas ayaa imaanaya iyadoo dagaallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si Kooxda looga saaro degaannada ay kaga hareen Gobolladaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo shaaciyay in aysan wax Wada-hadal ah la geli doonin dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this