Deeq A. Posted January 7, 2023 Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo nagacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo la-taliyaha sare ee madaxweynaha ee ka hortagga iyo la dagaalanka Fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata”. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey la-taliyaha sare ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee uu u igmaday” ayaa la raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites