Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka hor tagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xukuumadii tan ka horeysay ee Ra’iisul wasaare Rooble hoggaaminayey wuxuu ka ahaa wasiirka amniga.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga hor tagtay mudo kororsigii Farmaajo, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyey in ciidan hubeysan uu gudaha u soo galo Muqdisho, si looga hor tago mudo kororsiga.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ganacsiyo badan ku leh Muqdisho, ayaa horay saaxiib siyaasadeed ula ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda mar kale xukunka ku soo laabtay, wuxuuna ka mid ahaa masuuliyiintii la shaqeyn jirtay mudo xileedkiisii hore.

Cabdullahi ayaa ka soo mid noqday baarlamaankii 10-aad, waxaana xusid mudan in teeramkii dambe uusan tartamin, iyadoo kursigiisii uu soo qaatay Sheekh Shariif oo ahaa musharax madaxweyne oo Xasan Sheekh la tartamay.

Sidoo kale ninkaan wuxuu ka mid ahaa saaxiibadii ugu dhawaa ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna door muuqda ka soo cayaaray in dalka laga badbaadiyo burbur iyo mudo kororsigii uu damaaciyey Farmaajo.

324426199_567059654930439_39314625846811

The post Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this