Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo booqday ciidamada laga keenay Eritrea – Muxuu u sheegay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhawaan ku soo qaatay dalka Eritrea.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-Shabaab muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha kooban ee ay kaga hareen ay dalka

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina. Qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun-yihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu usheegay in uu ku garab siin doono ciidamadaan, sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Fursad ayaa haysataan, waxaa la jooga xilligii aad isku soo dhiibi laheydeen intii la idin qaban idinka oo dambi gacmaha kula jira,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee weli la-jira kooxaha argagixisada.

Ciidamadaan laga keenay Eritrea ee ku sugan Muqdisho ayaa qeyb ka noqon doona howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreynayo, kaasi oo madaxda sare ee dowladda ay rabaan in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa qaba in ciidamadaan looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo.

Ciidamadaan oo sanad badan ku maqna dalka Eritrea ayaa dhawaan si toos ah u bilaabatay soo daabulidooda, kadib dadaal uu soo celintooda u galay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer tagay dalka Eritrea.xamza.jpg?resize=696%2C464&ssl=1
324260026_1216767445713830_1932186562968
324470032_556409259745435_30744196088551
324349057_900770800941566_14567093392343
324398150_1365955114208901_8212421865797
324340553_582091767187143_75554753477929
324440424_1274321109794733_3695344749347
324293849_6585475178136186_6339003544946
324437976_844221500175612_72548384942440

The post Sawirro: Xamza oo booqday ciidamada laga keenay Eritrea – Muxuu u sheegay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this