Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Israa’iil oo ka Qaybgashay Shirka Asmara

Recommended Posts

Israa’iil oo ka Qaybgashay Shirka Asmara uga Furmay Mucaaradka Mbeghati Ra’iisal-wasaaraha Mbeghati oo Jabuuti kula kulmaya xubno mucaaradka dawladdiisa ah

 

Ra’iisal-wasaaraha Mbeghati oo Jabuuti kula kulmaya xubno mucaaradka dawladdiisa ah

 

Asmara (Reuters/Jam)- Kooxaha Maxaakiimtii Islaamka, xubno Baarlamanka Xorta ah la baxay iyo aqoonyahanno ka socda bulshada rayidka ah oo qaarkood dibadaha ka yimaaddeen, ayaa shalay shir uga furmay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritaria, kaas oo ay ka qaybgaleen in ka badan 400 ergay.

 

Shirkan oo shalay gelinkii hore iyo kii dambaba socday, ayaa siday sheegtay wakaaladda Reuters ka qaybgaleen ergooyin kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Faransiiska, Israa’iil iyo xubno Guddiga Midowga Yurub ah oo goob-joog ka ahaa fadhigii koowaad ee kooxaha mucaaradka ku ah dawladda Mbeghati iyo joogitaanka ciidammada Itoobiya uga furmay magaalada Asmara. Tirada wakiillada lagu casuumay shirka Asmara ayaa lagu sheegay ilaa 300 qof.

 

Shirka ka furmay Asmara waxa markii ugu horreysay lagu arkay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhuumasho ku jiray tan iyo markii ay ciidammada Itoobiya xoogga kaga saareen magaalada Muqdisho dhammaadkii sannadkii 2006-kii, iyada oo ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dareen liiska dadka loo tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-qaacida.

 

Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Fulinta ee Maxaakiimta, ayaa isna ka hadlay furitaankii shirka, waxaannu ugu baaqay Maraykanka inuu ku soo biiro kooxaha mucaaradka, isaga isla markaana gaashaanka ku dhuftay eedaymaha uu ku sheegay in Itoobiya soo macmashay ee ah inay argagixiso yihiin. Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyey Maraykanka inuu ka ciyaaro arrimaha Soomaaliya door waxtara oo dhinaca wanaagsan ah, isaga oo daboolka ka qaaday in siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ee Soomaaliya ahayd mid la yaab ah oo iska horimanaysa.

 

Geesta kale, Sheekh Aweys oo 72 jir ah oo ahaa kornayl ka tirsanaa ciidammadii Siyaad Barre, ayaa sida Reuters soo tebisay aanay maamulka Washington ilaa hadda wax faallo ah ka bixin isa soo bandhigidda Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo dheer aan la ogeyn meel uu ku sugnaa.

 

Dhinacyada shirka ka qeybgelaya oo aan aqoonsaneyn dawladda Mbeghati, ayaa sheegay in shirka Asmara uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla markaana shirkani yahay mid aan lagu iman qabiil iyo afar beelood iyo badh (4.5).

 

Furitaankii shirkan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna sheegay Sheekhu in Soomaaliya ay gumeysi ku jirto, waxyaabaha shirka looga hadlayana ay ka mid yihiin sidii gumeysigaas looga xoreyn lahaa dadka Soomaaliyeed.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku duushay dalka Soomaaliya, ayna qixisay dad gaadhaya hal milyan ruux, isla markaana ay haatan hortaagan tahay in la caawiyo dad tiradoodu gaadheyso 400.000 oo ruux, kuwaas oo xaalad nolol xumo ah ay ku heyso degaanada u dhaxeeya Muqdisho Afgooye.

 

Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha, Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa uu intaas ku daray in aysan Soomaaliya joogin dad argagixiso ah sida marar badan lagu celceliyo, wuxuuna caddeeyay in haddii ay joogaan dad argagixiso ah mar hore la arki lahaa saxaafaddana loo soo bandhigi lahaa.

 

Sidoo kale waxa furitaankii shirka ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sharifi Xasan Sheekh Aadan oo isagu hoggaamiya xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya, wuxuuna Shariif Xasan Sheekh Aadan sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ay yihiin sidii loo xoreyn lahaa dalka Soomaaliya oo la qabsaday.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu sheegay in shiweynaha ay u taal waxa lagu dhisayo shirkan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ergooyinka ka qeybgelaya shirweynahan ay yihiin kuwo isugu yimi in ay dalkooda xoreeyaan, “Dadka isugu yimi qabiil kuma iman, xil laguma soo raadsan, waxa kaliya ee ay isugu yimaaddeena waa sidii looga tashan lahaa in Dalka la Xoreeyo,” ayuu yidhi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan mar wax laga weydiiyay in ay la hadlayaan dawladda Mbeghati kadib marka ay shirkooda wax ku dhisaan ayaa wuxuu yidhi; “Annaga horta dawlad dalka ka jirta oo maanta aan aqoonsannahay ma jirto, sababtoo ah dawladda dalkii bey gumeysi gelisay, sharaftii iyo qarannimadii iyo dalkii bey dhiibtay, dadkii bey leysay, laakiin sidaasoo ay tahay wixii dalka xal loogu helayo oo wadahadal ah in la galo annagu hore uma diidin, hadana ma diideyno, wuxuuse wada hadalkaas imaan karaa marka ay ciidamada dalka ku soo duulay ay ka baxaan”.

 

Ugu dambeyntiina, shirka shalay ka furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa wax yar ka hor soo gebageboobay, waxayna ergooyinka kala tageen salaaddii duhur iyo qado, waxaanay dib isugu soo noqdeen 5:00 galabnimo.

 

Geesta kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mbeghati Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalka Jabuuti sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha xukuumadda Mbeghati Maxamuud Sayid Aadan oo u warramayey Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Geeddi dalka Jabuuti u tegay kulamo uu halkaas kula qaadanayo xubno ka tirsan mucaaradka dawladda Mbeghati, gaar ahaan kuwo ku jiray maamulka Maxkamadihii Islaamka.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha kulankaas lagaga hadlayo iyo weliba cidda ay Geeddi ku wada hadlayaan Jabuuti.

 

Kulanka Jabuuti ku dhexmaraya Ra’iisal-wasaare Geeddi iyo kooxaha ka soo horjeeda dawladdiisa, ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay uu magaalada Asmara ee dalka Eritrea uu ka furmayo shir ay isugu imaanayaan kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbeghati iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, madaxda Mbeghati ayaa dhowr jeer oo hore oo ay hadleen waxay sheegeen in ay cafis u fidiyeen xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo dadkii la soo shaqeeyay marka laga reebo kuwo sida ay yidhaahdeen ku jira liiska argagixisada caalamka, inkastoo cafiskaas ay ka soo horjeesteen madaxda Maxkamadihii Islaamka oo sheegay in haddii wax la cafinayo in cidda u baahani yihiin masuuliyiinta dawladda Mbeghati oo siday yidhaahdeen dalka ku soo hoggaamiyay ciidamo cadaw ku ah dadka Soomaaliyeed.

 

 

Jamhuuriya Online

Waxasa Sheikho isku sheegeya!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ka waran kan Xabashka asalkiis in uu Yahuud madoowyahay aaminsan keenay Xamar, oo u horseeday, una sahlay Xamar inay ku xaar xaaraan, ku xasuuqaan maatidii Soomaaliyeed?

 

What do you call those shamed people, with those undisputed real facts? And what, Eebboow, would you call these who support those Xabashi stooges and puppets for a clan reason?

 

Markaas war aan la hubin noo keenaayo meeshaan. Reuters, for your own information, is not Quraanka that has a final answer and always correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Ka waran kan Xabashka asalkiis in uu Yahuud madoowyahay aaminsan keenay Xamar, oo u horseeday, una sahlay Xamar inay ku xaar xaaraan, ku xasuuqaan maatidii Soomaaliyeed?

Xabashka Asalkiisa YUHUUD miyaa?

 

Markaas war aan la hubin noo keenaayo meeshaan. Reuters, for your own information, is not Quraanka that has a final answer and always correct

Marka aad adiga ka soo xigatid run bay sheegayaan marka qof kale ka soo xigtana isn't Quraanka :confused: and still one of the modreators

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA I have nothing against Jewish people, (By the way the Habesha are not jews, jewish Ethiopians are called Falasha) but appearently these sheikhs did. do you not find it shocking that these people who are claiming to be fighting for a Islamic Somalia are allowing Israel rep to attend their conference? By the, there is a difference between state of Israel and jewish People. The difference is, to dislike one is a personal choice will the other amounts racism, not that you rants against Habesha people were not racist already.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nugaaleed, mar labaad aan ku weydiinaa, what firm evidence do you have that Zionist citizens were at present? According a brief sentence in a Reuters report?

 

You still haven't still answered my questions, ee marka let me requote myself again:

 

"Ka waran kan Xabashka asalkiis in uu Yahuud madoowyahay aaminsan keenay Xamar, oo u horseeday, una sahlay Xamar inay ku xaar xaaraan, ku xasuuqaan maatidii Soomaaliyeed?

 

What do you call those shamed people, with those undisputed real facts? And what, Eebboow, would you call these who support those Xabashi stooges and puppets for a clan reason?"

 

PS - Xabasho iyo Falasha aniga iskuma qaldin. Xabashada [and Tigrey for that matter] too believe a special relationship inay ka dhaxeyso Yahuuda, believing being Semitic to begin with and speaking a Semitic language, despite Carabs too being Semitic, who would have been more closer to them than Yahuuda. That relationship waa mida Zionist state ku qasabtay inay usoo diraan advisers, military aid and other military experts in taht '77 war of Soomaali Galbeed.

 

PS - Yahuud too are humans. Not all of them are Zionists, ee taas muran kuma jirin, so if even some Yahuuds were present, they are humans and be can be guests. Adigaa "Isra'iil" ku heysid, as though you recognize that state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cige:

 

quote:

Markaas war aan la hubin noo keenaayo meeshaan. Reuters, for your own information, is not Quraanka that has a final answer and always correct

Marka aad adiga ka soo xigatid run bay sheegayaan marka qof kale ka soo xigtana isn't Quraanka :confused: and still one of the modreators
smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

I don't understand the somali or topic really.... but is there any doubt that "Shirka Asmara" or the oposition to TFG itself is infiltrated by intelligent agencies? Just think about that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

so if even some Yahuuds were present,
they are humans and be can be guests. Adigaa "Isra'iil" ku heysid, as though you recognize that state.

I've never expected this from you MMA .....

 

Hadii aad sidaas u hadlayso and saying Yuhuud can be guests coz shirkii aad taageersanayd bay joogeen then you should be against Xabashis coz they are other Somali's guests.

 

Where is the faith when you are with Yuhuud just to be against Xabashi ?

 

Now, i lost hope for those Sheekhyo sittig with the Yuhuud in the same table to discuss somalia's libaration and Islamic rule ..... this is just a plain shyyyyytttttt

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this