Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673089350588.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in cadawga Khawaariijta muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha  kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaarijta, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this