Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Jidka Laacdheere-Rabaable oo maanta xarigga laga jaray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673090546968.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan  14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Wadada Laacdheere-Rabaable ee maanta xariga laga jaray ayaa waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah Kebarco.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda  Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabayr oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis, waxaana ay qeyb ka tahay Waddooyinka ay dhisayso Shirkadda Kebarco, ee lagu hirgalinayo Qorshaha Cashuurta Dalka lagu dhisayo.

Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siisay dhismaha Waddooyinka, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladdu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dadku helo adeeg Dowladnimo oo dhameystiran.

FB_IMG_1673090594003.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1673090570163.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1673090612610.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673090601906.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1673090584602.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1673090560627.jpg?resize=720%2C40default

PUNTLAND POST

The post Puntland: Jidka Laacdheere-Rabaable oo maanta xarigga laga jaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this