Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Laascaanood ayaa saaka deggan waxaana magaalada gacanta ku haya ciidamada u dhashay degaanka sida ay wararku xaqiijinayaan.

Ciidamada soo duulay ee Somaliland ayaa fadhiya saldhigyadooda ka baxsan magaalada halkaas oo ay ka wadaan abaabulkii ciidan ee danbeeyay si ay u weeraraan shacabka Laascaanood.

Dhaq dhaqaaqan ay wadaan ciidamada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli weli aanu qalalin dhiiga shacabkii ay ku laayeen Laascaanood halka dhaawacyaduna weli jiifaan xarumaha Caafimaadka.

Qoyasas badan oo ka bara-kacay xaafadaha Laascaanood ayaa sidoo kale u  baxay bannaanka magaalada islamarkaana ku sugan xaalad hubanti la’aan ah.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this