Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka Uu Dhalay Boqorka UK Oo Qirtay Inuu 25 Qof Ku Dilay Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiilka labaad ee uu dhalay boqorka dalka Ingiriiska ee Harry Charles ayaa sida wakaaladaha wararku qorayaan waraysiyo ka bixiyay buug uu qoray oo uu kaga hadlay xilli uu ku jiray ciidamada Britain ee ku sugnaa dalka Afghanistan inuu dilay 25 qof.

Dalkaasi ayuu sheegay iney ahaayeen xubno ka tirsan kooxda Taalibaan ee ay kula dagaalameen dalka Afghanistan, sida ku cad wareysiyo uu ka bixiyay buug uu qoray.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Afghanistsn Annas Xaqani ayaa bartiisa Twitterka fariin uu ugu dhaafay Harry waxa uu ugu sheegay in dadkaasi uu laayay aaney eheyn shax uu ciyaarayay balse ay ahaayeen bini’aadam, qoysas ay lahaayeenna sugayay iney soo nabad noqdaan balse uu isaga dilay.

Tan iyo markii uu hadalkani soo baxay ayaa aad loogu hadal hayaa warbaahinta dalka Britain iyo baraha bulshada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this