Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ukrain Oo Ku Gacan-saydhay Xabad Xoojin Ruushku Ku Dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Yukreyn ayaa ku gacan-saydhay xabbad joojin ay ku dhawaaqeen masuuliyiinta Ruushku. Xabbad joojinta ayaa ay Ruushku sheegeen inay soconayso 36 saacadood si dadka haysta mad-habta Oortadhogoska ay u ciidaan.

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay inay xabbad joojintu bilaabmi doonta maanta oo Jimce ah, si dadka loogu ogolaado in ay si nabad ah u ciidaan. Hasayeeshee dawladda Yukreyn ayaa arrintaasi ku sifaysay inay Ruushku khiyaamo uga dan leeyihiin.

Madaxtooyada Yukreyn ayaa sheegay in xabbad joojinta looga dan leeyahay inay ciidamada Ruushku ku soo durkaan difaacyada ciidamada Yukreyn. Waxa ay sheegeen inay ciidamadoodu horumar weyn ka sameeyeen dagaalladii bilihii ugu dambeeyey dhacayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this