Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadda Somaliland Oo Xabsiga Mandheera Ka Sii Daysay 29 Dhalinyaro ah Oo Laga Soo Xidhay Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe Mandheera ka sii daysay 29 dhalinyaro ah kuwaas oo laga xidhay magaalada Laascaanood.

Dhalinyaradan saaka laga sii daayey xabsiga Mandheera lagu wareejiyey odayaal iyo siyaasiyiin ka jeeda gobolka Sool, kuwaas oo isku xil qaamay dejinta xiisada ka aloosan magaalada Laascaanood, dhalinyaradan xabsiga Mandheera laga sii daayey ayey ciidamada aamaanku ka qabqabteen magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceen mudahaarado ka dhashay dilalka qorsheynsan ee ka dhaca magaaladaasi.

Taliyaha xabsiga dhexe ee Mandheera Ibraahim Cabdilaahi Aw Daahir (Afyare) ayaa sheegay in xukuumadda xoriyadoodii u celisay 29kan dhalinyarada ah oo mudo 4cisho ah ku xidhnaa xabsigaasi, dhalinyaradan ayaa loo qaadi doonaa magaalada Laascaanood ee xarunta ee Gobolka Sool.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, Cabdikhayre Dirir Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool iyo Maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Faarax Ciise Cabdi oo goobta ka hadlay ayaa madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland uga mahad-celiyey sii deynta dhalinyaradaas, masuuliyiintan ayaa shacabka reer Laascaanood ugu baaqay inay is dejiyaan, iyagoo sheegay in xukuumadda Somaliland wada hadal ku xalinayso tabashada reer Laascaanood oo ay ugu horeysa sugida nabadgelyada iyo soo qabashada kooxaha arxan laawayaasha argagixisada ah ee magaaladaasi ku laaya haldoorka bulshada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this