Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
daawo-tukar.jpg?resize=857%2C482&ssl=1

Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo jimce ah abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood si ay dib ugu soo weeraraan magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa habeen ka hor laga saaray magaalada Laascaanood kadib dagaal culus oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada Xaq u dirirka SSC.

Xaaladda Laascaanood ayaa maanta deggan waxaana gacanta ku haya Ciidamada SSC kuwaas oo sugaya Amniga shacabka.

Calanka Soomaaliya iyo kan SSC ayaa sidoo kale ka taagan goobaha muhiimka ah ee Laascaanood tan iyo markii laga saaray Ciidamada Somaliland.

Dhinaca kale dhammaan degmooyinka iyo degaannada SSC ayaa maanta waxa ka socda abaabulka muddaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanayo in Somaliland isaga baxdo Gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Somaliland oo abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this