Jacaylbaro Posted October 30, 2007 Garoowe (Ogaal) - Iyadoo maamul Goboleedka Puntland uu guud ahaan ku jiro abaabul dagaal oo qaab qabaliya loogu dhawaaqayo, ayaa hadana waxay wararku sheegeen in kulan dhexmaray Cade Muuse iyo qaar ka mid ah madaxdhaqameedka lagu kala kacay, ka dib markii la saluugay, hadal la sheegay in Cade Muuse uu ka jeediyay shirkaa. Sida ay sheegeen wararka deegaankaa naga soo gaadhay Cade Muuse wuxuu cadho galiyay qaar ka mid ah Garaadadii uu shirka la yeeshay. “***** wuxuu lahaan jiray, afar Garaad, laba ********** ah, mid Warsangeli ah iyo mid Dhul-bahante ah, kaasina wuxuu ahaan jiray Baharar Same, imikana halkan kuma dhamidin. markaa, qolyihiinan kale ma cuqaalbaad tihiin.” Sida ay sheegeen wararka naga soo gaadhay Garoowe Sidaa waxa yidhi Cade Muuse mar uu kulan la yeeshay Sabtidii koox madax dhaqameed ah. Wararku waxay intaa ku dareen in hadalkaasi cadho galiyay badi Garaadadii iyo Isimadii shirkaa ka qaybgalay, sida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Garaadada Beesha Dhul-bahante ee sida weyn u taabacsan maamulka Puntland. “Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin ee ku dagaalama.” Ayuu yidhi Cade Muuse sida ay nagu soo gaadheen wararka aanu ka helay Garoowe. Islamarkaana waxa la sheegay in weedhahaas iyo qaar kale oo aan laaqi ku ahayn madaxdhaqameedku ka sa soo yeedheen Cade Muuse. Islamarkaana kulankaasi burburay. Hase ahaatee ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac. Wargeyska Ogaal Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites