Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-baxyo ka billowday magaalada Boosaaso + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta uu dibad-bax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Shacabka Boosaaso ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, si ay u taageeraaan kacdoonka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay todobaadkii labaad, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynaha isugu soo baxay Boosaaso ayaa sheegay in ay u dabaal-dagayaan qabsashada magaalada Laascaanood oo ay ka baxeen ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay taageero u muujiyaan reer Laascaanood, si ay u garab istaagaan, maadaama ay wajahayaan xaalad adag.

Xaaladda magaalada Laascaabood ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedkeeda, halka gudahana ay ka socdaan mudaharaayo waa weyn oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamadaasi.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

324262651_1647944792334734_1752858818159 324304202_1428643960875144_5176431564888 324400006_1803174253395042_5812330573097 324015946_698862878562714_35615941177769 324093109_1631918597268875_1480169192094

The post Sawirro: Dibad-baxyo ka billowday magaalada Boosaaso + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this