Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Yurub oo $414 milyan oo Dollar ku ganaaxay shirkada Meta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa Arbacadii waxay malaayiin dollar ku ganaaxeen shirkadda iska leh Facebook ee Meta oo lagu eedeeyey xadgudubyo la xiriira xogta gaarka ah.

Midawga Yurub ayaa shirkadda Meta ka mamnuucay in ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, ay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tahay 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ku salaysan go’aankooda laba arimood oo laga yaabo inay ruxaan, qaabka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda iyo xayaysiisyada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku salaynaysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay internetka isticmaalayaan.

Shirkadda Meta iyo shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, kuwaas oo ah qaar ka mid ah kuwa ugu adag adduunka.

PUNTLAND POST

The post Midawga Yurub oo $414 milyan oo Dollar ku ganaaxay shirkada Meta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this