Sign in to follow this  
General Duke

Tension high again in Bur-Hakabo....

Recommended Posts

Dagaalo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan degmada Buurhakaba

Last Updated::2006-11-07 16:32:11

 

Baydhabo:- 24kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa jirta cabsi xoogleh oo laga qabo in uu dagaal dhexmaro Ciidamada DFKMG iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho.

 

Cabsidan ayaa ka timid dhaq dhaqaaq xoogleh oo laga dareemay labada dhinac, ayadoo magaaladan Baydhabo laf ahaanteedu uu ka muuqdo dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogleh.

 

Dowlada Ciidamadeeda oo ku sugan nawaaxiga magaalada Baydhabo, ayaa todobaadkii dhawr goor sameeya hawlaglo noocaan ah oo ay ku maraan qeybo kamid ah gobalka Bay, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buurhakaba oo ah halka ay isku horfadhiyaan labada ciidan.

 

Saraakiil kamid ah Ciidamada Dowlada oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay dhinacooda wadaan, balse ay ku jiraan diyaar garow iyo heegan sare.

 

Ciidamada Dowlada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dabrid ay ku tijaabiyaan hubka culus iyo madaafiicda goobta.

 

Sidoo kale Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ayaa sheegay in amniga deegaankaasi aad loo adkeeyey isla markaana uu hoos u dhacay isu socodka ayadoo halkaasina laga soo sheegay cabsi laga qabo in dagaal uga yimaado dhinaca Dowlada Federaalka.

 

Dagaal ka dhaca deegaanka Buurhakaba ayaa keeni kara khasaaro aad u xoogleh ayadoo labada dhinac ay ciidamo kumanaan gaaraya ay geeyeen tuulooyinka kamid ah degmada Buurhakaba.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BUUR-HAKABA: Dhaqdhaqaayo Ciidan oo xoog leh ayaa ka socda deegaannada u dhexeeya Buur iyo Baydhabo

Posted to the Web Nov 07, 07:25

 

 

Buur-hakaba (PP) - Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in xalay illaa iyo maanta ay ka socdaan inta u dhexeysa Buur-habaka iyo Baydhabo oo isku jira 60-km oo qura.

 

Wararkaan ayaa waxay caddeynayaan in dhaqdhaaqa uu yahay mid xoog badan isla markanaa laga cabsi qabo inuu ka dhasho isku dhac dhex mara Dowladda ciidammadeeda oo ku sugan Deegaanka Mooda-moode iyo Malleeshiyooyinka Maxkamadaha oo aan sidaa uga fogeyn.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in labada dhinac ay baroobeeyeen hubka waaweyn iyadoo dadka deegaanada ka ag-dhow halka ay isku horfadhiyaan Dolwadda iyo Maxkamadaha ayaa waxay cabsi weyn ka muujinayaan dagaallo qaraar oo deegaannadooda ka dhaca.

 

Dhaqdhaaaqyada u dhexeeya labada dhinac ayaa soo jiitamayay muddo dheer, waxaana xaalka uu hadda u muuqdaa sida warar hoose ay sheegayaan in ay isku dhici doonaan goor dhow labada dhinac.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this