Sign in to follow this  
Deeq A.

Dildillaac laga soo sheegayo Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Dildillaac iyo kala shaki qabiil ku salaysan ayaa ka dhex qarxay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.

Ilo wareedyo dhinaca Amniga ah ayaa xaqiijinayaan in Ciidamada soo duulay iyo kuwa u dhashay Gobolka Sool uu hareeyay kala shaki baahsan.

Labadan Ciidan oo ku midaysnaa magaca Somaliland ayuu saamayn xooggan ku yeeshay kacdoonka Sool clan ee ka socda Laascaanood.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli xiisadda Laascaanood isu rogtay dagaal hubaysan oo u dhexeeya Somaliland iyo Sool clan.

Magaalada Laascaanood oo laga saaray Ciidamada Somaliland waxaa saaka ka taagan Calanka Soomaaliya waxaana gacanta ku haya xaq u dirirka hubaysan.

PUNTLAND POST

The post Dildillaac laga soo sheegayo Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this