Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u Dambeeyay Ee Magaalada Laascaanood?? Ciidamadii Milatariga Somaliland Oo Dib Ugu Noqdeen Xeryahooda Iyo Khadkii Internetka Oo La Faxay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Ciidammada Millatariga Somaliland ayaa xalay iskaga baxaan gudaha magaalada Laascaanood iyaga oo dib ugu laabtay xoryahooda ay ku leeyhiin magaalada duleedkeeda.

Lama saadaalin karo xaaladdu siday ahaan karto, dad badan ayaa saaka isaga qaxaya cabsida ay ka qabaan dagaalka.

Sidoo lale waxaa lagu soo waramayaa in Shacabka hubaysan ee magaalada la wareegay ay dib u fasaxeen adeeggii isgaadhsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay hore u xidhay xukuumadda Somaliland.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashad iyo isku socodka dadweynaha

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhawaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo magaalada Laascaanood.

Somalilandtoday/Burco/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this