Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo billowday dadaal beesha caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billaabay dadaal aan waxba loola harin oo beesha caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran sanadaha badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka shalay kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa kala hadlay cunaqabateyntan, isaga oo sidoo kale uga warbixiyey miro-dhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed. 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey. 

Codsiga madaxweynaha ee la xiriira qaadista cunaqabateynta hubka ayaa hadda u muuqda mid dowladda ay ku bixineyso dadaal xooggan. 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale shalay guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay oo ay dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.
323912143_977530696559367_78435706970386 322189904_662359092301233_23273061956786 Xasan.jpeg?resize=696%2C521&ssl=1 323429098_688048262968591_36590428932201 324088277_602372198560650_82273324062743 323456151_1256773505184328_6699671653660 Souef-Mohamed-El-Amine-1.jpeg?resize=696 323988962_1290411765141926_6850630651470 Xasan-Sheekh-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl

The post DF oo billowday dadaal beesha caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this